HomeWararMareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn uu ku dilay xubno ka tirsanaa...

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn uu ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo dhanka cirka oo ay ka fuliyeen khamiistii lasoo dhaafay ee 3-da November meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen […]

- Advertisement -

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo dhanka cirka oo ay ka fuliyeen khamiistii lasoo dhaafay ee 3-da November meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana duqeynta ay ka dhalatay khasaaro nafeed oo gaaray shabaabka.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in duqeynta ka dhacday meel ku dhow degmada Cadale ay ku dileen 15-xubnood oo kamid ahaa Al-shabaab, waa sida lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Taliska Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan AFRICOM.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in duqeynta diyaaradeed ay ku timid Codsi dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Sida ay Warka ku sheegeen Mareykanka, duqeynta ayaan wax khasaaro dhimasho ama dhaawac ah kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa, isla markaana la bartilmaameedsaday oo kaliya xubnihii Shabaabka oo goob ku sugnaa.

- Advertisement -

Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo Shabaabka iyo ciidamada dowladda ku dhex-maray deegaanka tardo ee Gobolka Hiiraan, duqeyntaasna looga dilay 8-xubnood, waa sida ay sheegeen Shabaabka.

Latest stories