HomeWararLaamaha ammaanka Dowladda oo ka hadlay Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

Laamaha ammaanka Dowladda oo ka hadlay Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Jugta dhowr qarax ayaa xalay laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ahaa kuwo isku xig-xigay, isla markaana dadka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku abuurtay khal-khal amni. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in qaraxyadii dhacay Muqdisho marka laga reebo midkii xerada Nac-naca ay ahaayeen […]

- Advertisement -

Jugta dhowr qarax ayaa xalay laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ahaa kuwo isku xig-xigay, isla markaana dadka kunool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku abuurtay khal-khal amni.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in qaraxyadii dhacay Muqdisho marka laga reebo midkii xerada Nac-naca ay ahaayeen kuwo dheemish ah ama walxaha aan dhibaatada geysan.

- Advertisement -

Saraakiisha ayaa intaas kusii daray in qaraxayadaas dheemiska ahaa lagu doonayay in lagu khal-khal geliyo ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona tilmaamay in laga hortegayo wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Fiidkii xalay ayey aheyd markii qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa uu isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo safaf dheer ugu jiray inay qortaan Askarnnimo, kuwaasi oo ku sugnaa xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee taalla degmada Wadajir.

Qaraxyadii ka dhacay xalay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aaday, iyada oo todobaadkii hore qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ahaa ay ka dhaceen Isgoyska Soobe, isla markaana  ay ku dhinteen 119 qof, halka 300 qof kalena ay ku dhaawacmeen, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxyadaas dhacay.

Latest stories