HomeWararDowladda oo ka hadashay howlgal NISA ku dishay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Dowladda oo ka hadashay howlgal NISA ku dishay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyey deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA ka fulisay degaanka Galka Saalimow uu ka danbeeyay, ka dib […]

- Advertisement -

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyey deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA ka fulisay degaanka Galka Saalimow uu ka danbeeyay, ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta xubno Al-shabaab oo waday diyaarinta falal.

- Advertisement -

Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay 21-xubnood oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab, halka ku dhawaad 10 dagaalame kalena laga dhaawacay waa sida lagu yiri Warkaj Wasaaradda.

“Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay dhammaan Al-shabaab halkaasi ku sugnaa iyo qorshihii falalka ahaa oo ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.

Sidoo kale waxaa Qoraalka intaas lagu sii daray “Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo fahmay muhiimada in hal meel looga soo wada jeesto Al-shabaab”.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta soo saartay

Latest stories