HomeWararSomaliland oo Maanta Jawaab ka bixisay eedeyn kulul oo uga timid Maamulka...

Somaliland oo Maanta Jawaab ka bixisay eedeyn kulul oo uga timid Maamulka Puntland

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Maamulka Somaliland ayaa Maanta ka jawaabay hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland Abshir Cabdi Jaamac oo ku aadanaa in Somaliland ay magan-geliso kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada. Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso […]

- Advertisement -

Maamulka Somaliland ayaa Maanta ka jawaabay hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland Abshir Cabdi Jaamac oo ku aadanaa in Somaliland ay magan-geliso kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada.

Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha waxa loogu yeero Argagixisada.

- Advertisement -

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii dowladda Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan deegaannada Puntland.

Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa Puntland ku eedeeyay inay hurineyso dagaal dhexmara labada dhinac, balse wuxuu xusay inay yaqaanaan waxa uu dagaal yahay, isla markaana haddii tallaabo qaadaan Maamulkaas ay jawaab ka bixin doonaan.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in Maamulka Puntland ay ku ixtiraamayaan derisnimo, hayeeshee waxaa uu sheegay in maalmahaan ay Colaad hurinayaan oo hanjabaado wadaan, taasina aysan aheyd wax la aqbali karo.

- Advertisement -

Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eedaysay in ay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin kooxaha Argagixisada, balse Somaliland mar kasta waa beenisaa arrintaas.

Latest stories