HomeWararQarax Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay Xero Ciidan ku taalla magaalada...

Qarax Is-miidaamin ah oo Caawa ka dhacay Xero Ciidan ku taalla magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Jugta qarax xooggan ayaa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Xerada tabbabarka Ciidanka Xoogga dalka ee jeneraal dhaga-badan ee ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku dhex-qarxiyey […]

- Advertisement -

Jugta qarax xooggan ayaa Caawa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Xerada tabbabarka Ciidanka Xoogga dalka ee jeneraal dhaga-badan ee ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana waxaa uu isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo xerada ku sugneyd.

- Advertisement -

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaliyey khasaaro kala duwan, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay, gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa goobta kusii qul-qulaya..

Dhallinyarada la isku qarxiyey ayaa waxaa la tilmaamay inay doonayeen inay qortaan Askarnimo, Al-shabaab ayaa dhowr qaraxyo ku weeraray xerada nac-naca ee ku taalla degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir.

La soco wixii kusoo kordha wararkaan

Latest stories