HomeWararMuxuu Madaxweyne Axmed Madoobe kala hadlay xubno ka tirsan Beesha Caalamka?

Muxuu Madaxweyne Axmed Madoobe kala hadlay xubno ka tirsan Beesha Caalamka?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulamo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xubnaha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya. Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Thomas Chepkuto ayuu Madaxweynaha kulan la qaatay iyagoo ka wada hadlay xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, Doorka ATMIS ay ka qaadan karto […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulamo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xubnaha Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Thomas Chepkuto ayuu Madaxweynaha kulan la qaatay iyagoo ka wada hadlay xiriirka muhiimka ah ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, Doorka ATMIS ay ka qaadan karto Amniga Jubbaland, iyo sidii Bulshooyinka labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha nabad galyada.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxwanuhu ayaa waxa uu kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya dalka  FEI Shengchao,  iyagoo isla soo qaaday xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kulanka Madaxwaynaha iyo Safiirka Shiinuhu intii uu socday waxa ay ka wada hadleen doorka Beesha Caalamka kaga aadan dedaalka dalka looga xorenaynayo Al-shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska Ed Barnett, waxayna ka wada hadleen wada shaqaynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Ingiriiska, Arrimaha Abaaraha ayay sidoo kale ka wada hadleen isagoo Safiir ku xigeenku hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladdiisa uga go’antahay taakulaynta dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saamayeen.

Kuxigeenka ergayga gaarka ah ee Madaxa Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Fiona Lortan ayuu Madaxweynaha sidoo kale kulan gaar ah la qaatay iyagoo kawada hadlay taageerada Hawlgallada socda iyo sidii loo sii dardar-galin lahaa.

- Advertisement -

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Timothy P. Trenkle, iyagoo ka wada hadlay Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan arimaha Amniga, Siyaasadda iyo Abaaraha ka jira Dalka.

Latest stories