HomeWararMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Dalab u diray Dadkii deganaa Masaajid Cali Guduud

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Dalab u diray Dadkii deganaa Masaajid Cali Guduud

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa oo shalay  tagay deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Baaq u diray dadkii ka barakacay deegaankaas oo laga qabsaday Al-shabaab. Madaxweyne Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka masaajid Cali Guduud laga saaray Al-shabaab oo in badan ku sugnaa, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa oo shalay  tagay deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Baaq u diray dadkii ka barakacay deegaankaas oo laga qabsaday Al-shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka masaajid Cali Guduud laga saaray Al-shabaab oo in badan ku sugnaa, isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

- Advertisement -

Wuxuu Madaxweynaha Hirshabeelle ugu baaqay dadkii deegaanka ee ka barakacay Cali Guduud ay dib ugu laabtaan guryahooda, wuxuuna intaas hadalkiisa sii raaciyey in dadka aan waxyeelo loo geysan doonin oo si nabad ah deegaanooda ugu noolaanayaan.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in deegaanka Cali Guduud ay ku arkeen gaadiid lagu gubay halkaas, isagoona sheegay inay falkaas ka dambeeyeen Al-shabaabkii deegaanka laga saaray, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.

Gaba-gabadii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xusay in Ciidanka dowladda Federaalk iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah ay sii wadi doonaan howlgalada deegaanada ay Gobolka kaga sugan yihiin Al-shabaab looga saarayo.

Latest stories