HomeWararHay’addaha sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo laba Arrin heshiis ku gaaray

Hay’addaha sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo laba Arrin heshiis ku gaaray

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay muhiimada iskaashiga iyo is dhaafsiga xogaha labada sirdoon. Labada dhinac ayaa isla qaatay in lagama maarmaan ay tahay ka hor taga waxa loogu yeero Aragagixisada ku […]

- Advertisement -

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay muhiimada iskaashiga iyo is dhaafsiga xogaha labada sirdoon.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in lagama maarmaan ay tahay ka hor taga waxa loogu yeero Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wadajir ah leesaga kaashado.

- Advertisement -

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa wuxuu bogaadiyey heshiiska ay Xukuumadda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee waddanka Koofur Afrika.

Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaas ku daray Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar isku mid ah.

- Advertisement -

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal ee  ku aadan ka hortagga qataraha waxa loogu yeero Argagixisada.

 

Latest stories