HomeWararDowladda Soomaaliya oo ka hadashay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Jabhada TPLF

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Jabhada TPLF

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay heshiiskii dalka Koonfur Afrika ku gaareen dowladda Federaalka Itoobiya iyo jabhada hubeysan ee TPLF oo dagaalo culus ku dhexmareen waqooyiga dalkaas Itoobiya. Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa waxaa ay kusoo dhaweysay heshiiska hordhaca ah ee Itoobiya iyo TPLF ka gaareen Colaadii khasaaraha badan […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saartay heshiiskii dalka Koonfur Afrika ku gaareen dowladda Federaalka Itoobiya iyo jabhada hubeysan ee TPLF oo dagaalo culus ku dhexmareen waqooyiga dalkaas Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa waxaa ay kusoo dhaweysay heshiiska hordhaca ah ee Itoobiya iyo TPLF ka gaareen Colaadii khasaaraha badan dhalisay ee labada dhinc u dhexeeysay.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa sheegtay in hsehsiiska labada dhinac laga rajeynayo inuu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran  iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa Colaadda, isla markaana walbana kor u qaadi doono barwaaqo iyo kobac dhaqaale.

”Dawladda Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan “Xalka Afrika ee mushkiladda Afrika” uu dhabaha u xaaro dib-u-heshiisiin dhamaystiran  iyo Itoobiya ah oo gebi ahaanba soo afjaraysa colaadda, colaadaha gudaha iyo rabitaanka gooni-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqo, kobac dhaqaale  gobolka iyo meelo kale. Maadaama tubta nabadda ay ka buuxaan caqabado u baahan dadaal dheeri ah, go’aan qaadasho iyo kalsooni, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ku taageeri doonaan heshiiskan inuu noqdo xal waara iyo cashar laga barto.” ayaa lagu yiri qoraalka DF kasoo baxay.

Midowga Afrika ayaa wadahadalo garwadeyn ka yahay isugu keenay wakiillo kala matalayay dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhada TPLF, waxa ayna labada dhinac gaareen heshiis xal loogu raadinayo colaada dalkaasi ka aloosan.

Latest stories