HomeWararWasaaradda Caafimaadka oo ka Warbixisay xaaladda dhaawacyada Qaraxyadii Soobe2

Wasaaradda Caafimaadka oo ka Warbixisay xaaladda dhaawacyada Qaraxyadii Soobe2

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqday dhaawacyad Qaraxii Zoobe ee wali lagu dabiibayo Isbitaalka Erdoga Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip ErdoÄŸan (Ex Digfeer) ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii ka dhashey Qaraxii 29-kii October ka dhacay Isgoyska […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqday dhaawacyad Qaraxii Zoobe ee wali lagu dabiibayo Isbitaalka Erdoga Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip ErdoÄŸan (Ex Digfeer) ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii ka dhashey Qaraxii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho oo wali xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka.

- Advertisement -

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xogwareysanayey Ehlada dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad midka uga wanaagsan waxa sidoo kale booqdey dhamaan bukaanada ku jira Isbitaalka ee xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo Isbitaalka.

Maamulka oo uu wehelinayay Guddomiyaha Gurmadka Caafinaad ee heer Wasaaradd Caafimaad, Dr. Gulled Abdijalil iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada waxaana jiro dhaqaatiir ka kala timid Dalalka Turkiga, Jabuuti, iyo Itoobiya oo qeyb ka noqon doona dhaqaatiirta la tacaaleysa dhaawacyada Qaraxii Zoobe ee ku jira Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa  dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad Sariic ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Latest stories