HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaaada Laascaanood

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaaada Laascaanood

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidkii xalay gudaha magaaladaas kooxo hubeysan oo aan heyntood la garan ay ku dileen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka. Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Malaay, waxaana la tilmaamay inuu u dhintay rasaas […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidkii xalay gudaha magaaladaas kooxo hubeysan oo aan heyntood la garan ay ku dileen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wiilka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Malaay, waxaana la tilmaamay inuu u dhintay rasaas ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, xilli uu ku sugnaa  xaafad ka tirsan magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

- Advertisement -

Qaar kamid ah ehelada Marxuumka iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Cabdiraxmaan Cali, iyadoona goobta ay ka carareen kooxihii ka dambeeyay falkaas.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay falalka amni darro, sida weerarrada iyo dilalka qorsheysan oo geysanayaan kooxo hubeysan, Maamulka Somaliland ayaana ka hadin falalkaas dhacaya.

Latest stories