HomeWararDowladda oo faah faahin ka bixisay Dagaalo khasaaro badan dhaliyey oo ka...

Dowladda oo faah faahin ka bixisay Dagaalo khasaaro badan dhaliyey oo ka dhacay Hiiraan

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor kuna sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aroornimadii saaka gubay gaari Layla calaawi ah oo Al-shabaab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo. Taliyaha Guutada 17-aad G/le dhexe Dayax Cabdi Cabdule ayaa u xaqeejiyay warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga warhaayey sidaasna loogu gubay inta […]

- Advertisement -

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor kuna sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aroornimadii saaka gubay gaari Layla calaawi ah oo Al-shabaab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo.

Taliyaha Guutada 17-aad G/le dhexe Dayax Cabdi Cabdule ayaa u xaqeejiyay warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida in gaariga laga warhaayey sidaasna loogu gubay inta uusan soo Gaarin fariisinka Ciidanka gaarin.

- Advertisement -

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faah faahin ka bixiyey dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in dagaalo saacado badan socday ay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab uu ku dhexmaray deegaanka Ceel-Hareeri, uuna ka dhashay khasaaro farabadan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalada Al-shabaab looga dilay 100-xubnood, halka dhankoodana uu gaaray khasaaro Ciidamada, waa sida uu hadalka u dhigay Jeneraal Caanood oo intaas kusii daray in dagaalka ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed.

- Advertisement -

Gaba-gabadii Afhayeenka ayaa tilmaamay in gurmad Ciidan oo Al-shabaab u soo socday xalay wadada loogu galay deegaanka Garas Magan, isla markaana uu ka dhacay iska horimaad, ayna Ciidankaas gurmadka ahaa dib ugu laabteen degmada Aadan-yabaal.

Latest stories