HomeWararRag ka tirsanaa Al-shabaab oo saaka dil toogasho lagu fuliyey Magaalada Muqdisho

Rag ka tirsanaa Al-shabaab oo saaka dil toogasho lagu fuliyey Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo horey Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ugu ridday. Ragga lagu toogtay fagaaraha Iskuul Buluusiya ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulle Axmed Muumin iyo Cumar Aadan Maxamed, […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay laba Nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo horey Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ugu ridday.

Ragga lagu toogtay fagaaraha Iskuul Buluusiya ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulle Axmed Muumin iyo Cumar Aadan Maxamed, waxaana Maxkamadda sheegtay in 13 kii November 2019 lagu qabtay Suuq Boocle iyaga oo dilal xilligaas geystay.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa labada Nin ee la toogtay ku heshay inay magaalada Muqdisho ku kala dileen Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka iyo Maamulk Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kala ahaa Cali Cabdulle Maxamed iyo Cabdullaahi Maxamed Hilowle.

Cabdulle Axmed Muumin iyo Cumar Aadan Maxamed oo sidoo kale geystay weeraro qorsheysan ayaa Al-shabaab ku biiray sanadihii 2014-kii iyo 2018-kii, isla markaana waxaa ay xilligaas ku sugnaayeen tuulooyin hoosyimaada Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose iyo degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyey Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku kordhisay fulinta dilalka toogashada ah, waxaana saaka la toogtay ay ku noqonayaan 10 ruux ee muddo ku siman 15 cisho gudahood toogasho lagu fuliyo.

Latest stories