HomeWararMaxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne C/fitaax Al-siisi?

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne C/fitaax Al-siisi?

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga qabsaday Al-shabaab, si dadka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Algiers ee dalka Algeria Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfataax Al-siisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga warbixiyay dhiggiisa dalka Masar howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalada dalka iyo dadaalada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xasilinta deegaanada laga qabsaday Al-shabaab, si dadka ku nool ay u helaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ayaa xoojiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya lagu taageero dagaalka ay uga soo horjeeddo Shabaabka.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kala hadlay Madaxweynaha Masar saameynta daran ee abaaraha iyo isbedelka cimiladu ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, taas oo sababtay in tiro badan oo shacab ah ay ka barakacaan deegaanadii ay ku noolaayeen, kuwaas oo u baahan gargaar bani’aadannimo.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi oo balan qaaday in ay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka cunayarida si kaalmo loo gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameyeen ayaa intaas raaciyay in ay shirka soo socda ee cimilada ee ka dhacaya Masar ay cod ugu noqon doonaan Soomaaliya sidii uu caalamku ugu baraarugi lahaa saameynta isbedelka cimiladu ku yeelatay Soomaaliya.

Latest stories