HomeWararDowladda oo Warbixin horudhac ah kasoo saartay Khasaaraha Qaraxyadii Soobe2

Dowladda oo Warbixin horudhac ah kasoo saartay Khasaaraha Qaraxyadii Soobe2

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee howlgalada gurmadka deg-dega ah ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee sabtidii lasoo dhaafay ka dhaca Isgoyska Soobe ee Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Maareynta ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadii is xigxigay ee Soobe ka dhacay ay ahaayeen kuwo geystay khasaaro lixaad leh […]

- Advertisement -

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee howlgalada gurmadka deg-dega ah ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee sabtidii lasoo dhaafay ka dhaca Isgoyska Soobe ee Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Maareynta ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadii is xigxigay ee Soobe ka dhacay ay ahaayeen kuwo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo lagu qiimeeyay maalaayiin dollar.

- Advertisement -

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa tirada dhimashada qaraxyadii dhacay 29-kii Octoober 2022 ku sheegtay inay tahay 119 qof, halka ay ku dhaawacmeen 334 qof oo 33 kamid ah ay dhaawacyadooda culus yihiin iyo 13 qof oo weli nolal iyo geeri lagu la’yahay.

Sidoo kale Hay’adda Maareynta ayaa Warbixinta hordhaca ah ee soo saartay ku xustay in hantida ku qasaartyay qaraxyadii Isgoyska Soobe2 ee magaalada Muqdisho lagu qiyaasay 1,517,050, hantidaas oo lagu waayay qaraxyadii dhacay.

Gaba-gabadii Hay’adda ayaa tilmaamtay inay xogtaan laga uruuriyey Xarunta gurmadka deg-dega ah iyo Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoona gurmadka loo sameeynayey dadka waxyeelada soo gaartay ay ka qeyb qaateen dadka kunool Gobolka Banaadir iyo Madaxda dowladda Federaalka oo dhiig u shubay dadka dhaawacmay.

- Advertisement -

 

Latest stories