HomeWararCiidamo ka tirsan Dowladda oo Qarax khasaaro dhaliyey lagula beegsaday Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Qarax khasaaro dhaliyey lagula beegsaday Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa saaka laamiga dheer ee degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Ifis lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray dad shacab ah oo wadada xilliga uu qaraxu […]

- Advertisement -

Qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa saaka laamiga dheer ee degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Ifis lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray dad shacab ah oo wadada xilliga uu qaraxu dhacaayay marayay, halka sidoo kalena khasaaro uu gaaray Ciidanka lala beegsaday oo saarnaa gaari nooca Soomaalida u taqaano Tikniko.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ayaa waxaa ay kusoo warrameen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, sidoo kalena ay jiraan khasaaro gaaray Ciidankii lagu qarxiyey laamiga dheer ee degmada Deyniile gaar ahaan halka loo yaqaan Ceelka Ifis.

Ciidankii saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa dhankooda rasaas culus furay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo isugu jira milatari iyo Booliis kuwaa oo baaris ka wada qaraxa dhacay iyo ciddii ka dambeesay.

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxaas ka dhacay magaalada Muqdisho, falalka amni darro sida qaraxyada iyo dilal qorsheysan ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey qeybo kamida ah Muqdisho.

Latest stories