HomeWarar Liiska Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Dhuusamareeb oo la shaaciyay

 Liiska Xildhibaannada Golaha deegaanka Degmada Dhuusamareeb oo la shaaciyay

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay liiska xildhibaannada golaha deegaanka Degmada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib doorashadii ka dhacaday magaalada, taas oo lagu soo doortay xubnaha kamid noqonaya golaha degmada Dhuusamareeb. Maalinimadii Isniinta aheyd ayaa bulshada Dhuusamareeb waxaa ay u dareertay doorashada golaha, kuwaas oo ka kooban 33 xubnood, waxaana […]

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaacisay liiska xildhibaannada golaha deegaanka Degmada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib doorashadii ka dhacaday magaalada, taas oo lagu soo doortay xubnaha kamid noqonaya golaha degmada Dhuusamareeb.

Maalinimadii Isniinta aheyd ayaa bulshada Dhuusamareeb waxaa ay u dareertay doorashada golaha, kuwaas oo ka kooban 33 xubnood, waxaana maalintii koowaad lasoo doortay 15, xubnood, halka 18 xubnood oo kale dib looga kale doortay maalmihii xigay, waxaana wadartay xildhibaannadu tahay 33 mudane.

- Advertisement -

Golaha deegaanka Dhuusamareeb oo ah xildhibaanadii ugu horeeyay ee heer deegaan ay yeelato Dhuusamareeb ayaa maanta ladhaariyay, iyadoo ay munaasabada goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, gudiga doorashooyinka dowladaha hoose iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Cabdi-waayeel oo la dardaarmay Xildhibaanada Gollaha Deegaanka Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in maalinta barito ah la qabanayo doorashada gudoomiyaha iyo kuxigeenka oo ay xubnaha goluhu Iska dhex dooran doonaan

Latest stories