HomeWararRW ku-xigeenka oo booqday Xarumaha Gurmadka deg-degga ee dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii...

RW ku-xigeenka oo booqday Xarumaha Gurmadka deg-degga ee dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Zoobbe

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama ayaa caawa booqday Isbitaallada Erdogan, Banaadir iyo Xarumaha Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir  oo ay ku shaqeynayaan kooxaha Gurmadka heer Federaal iyo heer Gobol. Mudane Saalax ayaa ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallda, warbxin la xiriirta xaaladda bukaanada jiifa, isagoo ku ammaanay sida ay heeganka ugu […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama ayaa caawa booqday Isbitaallada Erdogan, Banaadir iyo Xarumaha Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir  oo ay ku shaqeynayaan kooxaha Gurmadka heer Federaal iyo heer Gobol.

Mudane Saalax ayaa ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallda, warbxin la xiriirta xaaladda bukaanada jiifa, isagoo ku ammaanay sida ay heeganka ugu yihiin caawinta dhaawacyada.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka  ayaa soo kormeeray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah guddiyada gurmadka qaraxii KM5.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka iyo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka howlaha gurmadka ee ay qabteen saacadihii la soo dhaafay, isagoo tilmaamay  in Xukuumaddu ay garab taagan tahay guddiyada gurmadka.

Latest stories