HomeWararMareykanka oo $36 milyan oo magdhow ah siinaysa laba Nin oo si...

Mareykanka oo $36 milyan oo magdhow ah siinaysa laba Nin oo si khalad ah sanado badan ugu xirnaa

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Gobolka iyo magaalada New York ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo gaadhaysa illaa $36 milyan oo dollar, iyada oo la siinayo laba nin oo si khalad ah loogu xukumay inay dileen Malcolm X oo ahaa halyey u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah, kaas oo la dilay sannadkii 1965-kii. Ka dib markii dib loo eegay kiiskooda ayaa […]

- Advertisement -

Gobolka iyo magaalada New York ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo gaadhaysa illaa $36 milyan oo dollar, iyada oo la siinayo laba nin oo si khalad ah loogu xukumay inay dileen Malcolm X oo ahaa halyey u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah, kaas oo la dilay sannadkii 1965-kii. Ka dib markii dib loo eegay kiiskooda ayaa sannaadkii hore waxaa la caddeeyey inaanay ku lug lahayn dembiga loo xidhay.

Magaalada New York ayaa bixinaysa $26 milyan, halka gobolka New York uu isaguna bixin doono $10 milyan sida uu sheegay David Shanies oo ah qareenka u doodaya labadan nin.

- Advertisement -

Labada nin oo lagu kala magcaabo Muxammad Aziz iyo Khalil Islam ayaa mar walba waxay ku adkaysan jireen inaanay wax dembiya gelin, hase ahaatee cidina dheg jalaq uma siin.

Muxammad Aziz oo da’diisu ahayd 84 jir ayaa geeriyooday sannadkii 2009.

Garsooraha dib u eegay kiiskooda ayaa meesha ka saaray xukunnadii hore ee raggan lagu soo oogay, ka dib markii uu helay caddaymo cusub oo muujinaya inay jirtay cago juglayn loo geystay qaar ka mida markhaatiyadii, iyo inaan si hufan loosoo bandhigin caddaymihii la hayey, intii ay socotay maxkamadayntu.

- Advertisement -

Nimankan ayaa tobanaan sano xabsiga ku qaatay, iyada oo la sii daayey 1980-meeyadii.

Latest stories