HomeWararKhasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho oo sii kordhay

Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho oo sii kordhay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku taalla Isgoyska Soobe ayaa sii korortay. Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay Idaacadda VOA in tirada dhimashada ee ilaa haatan dawladdu ururisay ay tahay 119 dhimasho ah, […]

- Advertisement -

Tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku taalla Isgoyska Soobe ayaa sii korortay.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay Idaacadda VOA in tirada dhimashada ee ilaa haatan dawladdu ururisay ay tahay 119 dhimasho ah, 10 qof oo la la’yahay in 324 qof oo dhaawac ah.

- Advertisement -

Saraakiisha amniga ee dawladda ayaa aamisan in qaraxa ay gaysteen gaadiid uu waday qof Is-miidaamiyey, iyo mooto la dhigay isgoyska agteeda, waxaana qaraxyadu dhaceen xilli wadada ay mashquul aheyd.

Tiradan ayaa ka dhigaysa weerarkii Sabtida kan labaad ee gaystay dhimashada ugu badan Soomaaliya. Weerarka ugu dhimashada badnaa ayaa ahaa weerarkii October 14-keedii 2017-ka ka dhacay isgoyska Zoobe.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhacay sabtidii. Madaxweynaha Soomaaliya, iyo dawladaha kale ee caalamka ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkan.

Latest stories