HomeWararIngiriiska iyo Mareykankan oo War kulul kasoo saaray Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Ingiriiska iyo Mareykankan oo War kulul kasoo saaray Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska James Cleverly, oo ka hadlay weerarkii magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu si kulul ugu cambaareeyay qaraxyaddii ka dhacay Soobe. War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriiska uu la murugoonayo qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay qaraxyadii dhacay Muqdisho, isla markaana lagu dhaawacay dad farabadan. […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska James Cleverly, oo ka hadlay weerarkii magaalada Muqdisho ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu si kulul ugu cambaareeyay qaraxyaddii ka dhacay Soobe.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Ingiriiska uu la murugoonayo qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay qaraxyadii dhacay Muqdisho, isla markaana lagu dhaawacay dad farabadan.

- Advertisement -

“Waxaan sii wadi doonaa garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab. UK waxay cambaaraynaysaa nooc kasta oo ay tahay” ayaa lagu yiri Qoraalka Ingiriiska.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhalleeceeyay qaraxyadii ka Soobe maalintii Sabtida ahayd, waxayna qoraal ay soo saareen ku tilmaameen ee “mid naxdin oo fool xun lalana beegsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa  tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, oo ay ku jiraan shaqaalaha Qaramada Midoobay”,sida uu Afhayeenkiisa, Stephane Dujarric, abayaan ku sheegay.

- Advertisement -

Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in uu garab istaagi doono dhammaan dadka Soomaaliyeed . “Weeraradani waxay hoosta ka xarriiqayaan degdegga iyo muhiimadda ay u leeyihiin weerarrada milateri ee socda si loo sii xaalufiyo Al-Shabaab,”

Pope Francis ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarka dhiiga badan ku daatay. “Aan u duceyno dadkii ku dhintay weerarkii Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 100-qof, kuwaasoo ay ku jireen caruur badan,” ayuu yiri,

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dawladda ka caawiso daweynta dadka dhaawaca ah iyo sidii ay u heli lahayd daryeelka dhaawacyada.

Latest stories