HomeWararGurmadyo xooggan oo maalintii labaad ka socda Isbitaalada Magaalada Muqdisho

Gurmadyo xooggan oo maalintii labaad ka socda Isbitaalada Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Waxaa maalintii labaad Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku yaalla ka socda gurmadyo xooggan oo loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada. Dad u badan dhallinyaro ayaa lagu arkayaa iyada oo buux-dhaafiyey Isbitaalada magaalada, kuwaasi oo dhiig u shubaya dadka qaba dhaawacyada ee u baahan gurmad dhiig, waxaana dadka dhiiga […]

- Advertisement -

Waxaa maalintii labaad Isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho ku yaalla ka socda gurmadyo xooggan oo loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay Wasaaradda Waxbarashada.

Dad u badan dhallinyaro ayaa lagu arkayaa iyada oo buux-dhaafiyey Isbitaalada magaalada, kuwaasi oo dhiig u shubaya dadka qaba dhaawacyada ee u baahan gurmad dhiig, waxaana dadka dhiiga shubaya qeyb ka ah haween.

- Advertisement -

Isbitaalada ayaa la dhigay dhaawacyada qaraxyadii ka dhacay isgoyska Soobe, oo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, gelinkii dambe ee shalay ayaa dhismayaasha burburay laga soo saaray meydadka dad la la’aa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada ee ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxda dowladd oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaatan gurmadka loo sameeynayo dadka dhaawacmay, iyagoona dadka tagay Isbitaalada, si ay dhiig u shubaan.

- Advertisement -

Xukuumadda ayaa xalay ku dhawaaqday in dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

 

Latest stories