HomeWararDowladda Kenya oo ballan-qaad garab istaag u sameeysay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Kenya oo ballan-qaad garab istaag u sameeysay Dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Dawladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyey VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray […]

- Advertisement -

Dawladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weeraradii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyey VOA-da ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

- Advertisement -

Dhanka kalana, Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa Soomaaliya uga tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay weerarkii  sabtidi ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro lixaad leh oo gaaray dad shacab ah iyo Askar dowladeed.

Madaxweyne Ruto ayaa ballanqaaday in dowladiisu ay dowladda Fdderaalka Soomaaliya la garab taagantahay tageero buuxdo, isla markaana ay la qeybsanayaan murugada qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe, halka ku dhawaad 300 oo qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo isbitaalada waaweyn ee magaalada.

Latest stories