HomeWararCiidanka Somaliland oo Maanta la wareegay Degmo ay isaga baxeen Ciidamada Puntland

Ciidanka Somaliland oo Maanta la wareegay Degmo ay isaga baxeen Ciidamada Puntland

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wararka aan ka heleyno degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka halkaas ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Somaliland oo degmada gaaray. Ciidamo kamid ah Booliska dowlad Goboleedka Puntland oo ku sugnaa Boocame ayaa la xaqiijiyey inay isaga baxeen degmadaas, waxaana durbadii tegay Ciidamo kamid ah Somaliland oo qabsaday. […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka halkaas ay la wareegeen Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Somaliland oo degmada gaaray.

Ciidamo kamid ah Booliska dowlad Goboleedka Puntland oo ku sugnaa Boocame ayaa la xaqiijiyey inay isaga baxeen degmadaas, waxaana durbadii tegay Ciidamo kamid ah Somaliland oo qabsaday.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in gebi ahaan Ciidankii Puntland ay isaga baxeen degmada, isla markaana xarumihii iyo Saldhiga Boocame ay la waregeen Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo la tilmaamay inay wateen gaadiid badan.

Weli lama oga sababta Ciidankii Maamulka Puntland uga baxeen degmada Boocame ee Gobolka Sool, kuwaasi oo aaday deegaano kale, sidoo kalena ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka oo ku aadan ka bixinta Ciidamada ee degmadaas.

Si kastaba, degmada Boocame ee Gobolka Sool ayaa ahayd degmada kali ah ee Maamulka Puntland gacanta kaga haayay Gobolkaas, Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo horey degmooyin kala qabsaday.

Latest stories