HomeWararAamino Aweys "Ninkeyga Meydkiisa waan la'ahay, balse kabihii iyo shaatigiisii aan helay"

Aamino Aweys “Ninkeyga Meydkiisa waan la’ahay, balse kabihii iyo shaatigiisii aan helay”

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Waxaa weli baadi goobka dad la la’yahay uu ka socdaa dhismayaashii ku burburay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla isgoyska Soobe. Dadka baadi-goobka ku jira ayaa waxaa kamid ah Haweeney lagu magacaabo Aamino Aweys Maxamed oo raadineysa Ninkeeda oo xilligii ugu danbeysay ku sugnaa isgoyska Soobe ee […]

- Advertisement -

Waxaa weli baadi goobka dad la la’yahay uu ka socdaa dhismayaashii ku burburay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla isgoyska Soobe.

Dadka baadi-goobka ku jira ayaa waxaa kamid ah Haweeney lagu magacaabo Aamino Aweys Maxamed oo raadineysa Ninkeeda oo xilligii ugu danbeysay ku sugnaa isgoyska Soobe ee Muqdisho.

- Advertisement -

Aamino Aweys oo wareysi siisay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegtay inay goobta qaraxyada ka dhaceen ka heshay Kobihii buudka ahaa iyo shaatigii uu xirnaa Ninkeeda oo isgoyska Soobe ku iibin jiray dharka Huudheyda ah.

Aamino ayaa tilmaamtay in qaraxyadii dhacay lagu waayay Ninkeeda, isla markaana ay maalintii labaad ka baadi-goobayaan meydkiisa burburka dhismayaashii kusoo dumay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Dhar Huudhey ah ayuu gadi jiray kabihiisii buudka ahaa iyo shaatigiisii ayaan helay oo kaliyaDhar Huudhey ah ayuu gadi jiray kabihiisii buudka ahaa iyo shaatigiisii ayaan helay oo kaliya, Qaliin lacag la’aan ah ayaa ku soo raadinaa ayuu igu dhahay awoodeyda ma dhamo inaan bixiyo lacagta qaliinka” ayey tiri Aamino Aweys oo ilmeyneysa.

- Advertisement -

Gaba-gabadii Aamina Aweys Maxamed ayaa sheegtay in Ninkeeda geeriyooday uu uga tegay illaa 10 carruur ah, iyaduna ay haatan xanuunsaneyso, isla markaana ay dhanka Minka ay  BURO kaga taallo.

Latest stories