HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo saaka oo dil toogasho ah ku fulisay Saddex Nin

Maxkamadda Ciidamada oo saaka oo dil toogasho ah ku fulisay Saddex Nin

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo Isniin ah xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex Nin oo horey Maxkamadda xukuno dil ah ugu ridday, kuwaasi oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab. Saddexda nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabi jiray Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow, waxaana Maxkamadda sheegtay inay qaraxyo […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka oo Isniin ah xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex Nin oo horey Maxkamadda xukuno dil ah ugu ridday, kuwaasi oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saddexda nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabi jiray Nuur Wayne, Xasan Boy & Keerow, waxaana Maxkamadda sheegtay inay qaraxyo ku dileen dad shacab ah iyo mas’uuliyiin, iyagoona illaa 2019 ahaa xukun fulin sugayaal.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa goobjoog ka ahaa goobta xukunka dilka ka dhacaayay oo aheyd fagaaraha Iskuul Buluusiya oo ku yaalla degmada Xamar-jajab ee Gobolkaan Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada ayaa todobaadkii hore xukuno dil toogasho ah ku fulisay illaa 5 Nin oo uu ku jiray Askarigii dilay Wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji, halka kuwo kalena ay ahaayeen xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish.

Latest stories