HomeWararGuddoomiye Madaale oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Muqdisho

Guddoomiye Madaale oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen  Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay howlaha gurmadka socda iyo khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya. Guddoomiye Madaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay inay socdaan howlo gurmad xooggan oo loo sameeynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen  Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay howlaha gurmadka socda iyo khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay lagu weeraray Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye Madaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay inay socdaan howlo gurmad xooggan oo loo sameeynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxyada ay haatan mareyso 104 qof, halka dadka dhaawacmayna ay gaarayaan 269 qof, isla markaana illaa iyo hada 6 qof aan la aqoonsan, isagoona dalbaday in la baadi goobo ehelada dadkaas la aqoonsan la’yahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadi ayaa shacabka kunool caasimadda ka codsaday inay tagaan Isbitaalada magaalada oo gurmad dhiig u fidiyaan dadka u baahan in dhiig lagu shubo, wuxuuna intaas kusii daray in gurmadka looga baahan yahay in lasii laba jibaaro.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Gobolka ayaa Isbitaalada ku amray in aysan wax lacag ah ka qaadin dadka qaba dhaawacyada ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii dhacay, isagoona xusay in Maamulka Gobolka uu baari doono warar sheegayay in lacag laga qaad dad doonayey inay dhiig u shubaan dadkii dhaawacmay ee Isbitaalada ku jira.

- Advertisement -

Tirada dhimashada iyo dhaawaca uu sheegay Guddoomiye Madaale ayaa waxaa macquul inay ka badan tahay intaas, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha qaraxyadii dhacay, iyadoona uu weli socdo gurmad xooggan oo la sameeynayo.

Latest stories