HomeWararDuqa Muqdisho oo Warbixin laga siiyey howlaha Gurmadka ah ee ka socda...

Duqa Muqdisho oo Warbixin laga siiyey howlaha Gurmadka ah ee ka socda Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markale tagay goobtii ay shalay qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ka dhaceen ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya. Goobta ayaa waxaa shaqo ka waday howlwadeeno ka tirsan Dowladda Hoose Ee Xamar iyo Bulshada Gobolka Banaadir oo iskaashanaya si loo sii baadi goobo dad weli la la’yahay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa markale tagay goobtii ay shalay qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ka dhaceen ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Goobta ayaa waxaa shaqo ka waday howlwadeeno ka tirsan Dowladda Hoose Ee Xamar iyo Bulshada Gobolka Banaadir oo iskaashanaya si loo sii baadi goobo dad weli la la’yahay iyo sidii halkaasi nadaafad guud loogu sameen lahaa.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyaha u kuurgalay baaxada dhibaatada halkaasi ka dhacday adigoona warbixin goobta kaga dhageystay Guddiga Gurmadka Deg Dega ee Gobolka Banadir oo ay hogaaminayaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed (Jakeeti).

Guddigaan oo uu saakay  magacaabay Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa kormeero kala gedisan kusoo sameeyay dhamaan goobaha Caafimaadka ee la geeyay dhaawacyada, sidoo kale waxa ay Guddiga u kuurgaleen gurmadka ay fidinayaan shacabka Muqdisho ee iyagu dhiiga ugu deeqaya dadka dhaawaca ah iyo kuwa isxil-qaamay ee Askarta iyo qeybaha kale ee Bulshada soo gaarsiinaya cunooyinka iyo cabitaanada.

Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ugu baaqay Shacabka Muqdisho in ay ka qeyb qaataan gurmadka iskuna gar-gaaraan.

- Advertisement -

Dhinaca kale wuxuu faray goobaha Caafimaadka in aan wax lacag ah laga qaadi karin dhaawacyada iyo dadka deeqda dhiiga bixinaya,  isagoo uu ugu Mahadceliyay Bulshada qeybahooda kala gedisan dadaalka ay ku bixinayaan in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka.

Latest stories