HomeWararXeryo Qaxooti oo ay ku jiraan Soomaali badan oo laga cabsi qabo...

Xeryo Qaxooti oo ay ku jiraan Soomaali badan oo laga cabsi qabo in ay ka dillaacaan Cudurro Halis ah

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay Khamiistii in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya inay halis ugu jiraan inay ka dilaacaan xanuunka Jadeecada iyo daacuunka, xilli kumanaan qaxooti cusub ahi ay soo gaadhayaan xeryahaas, kuwaas oo ka imanaya Soomaaliya. In ka badan 233,000 oo qaxooti ah ayaa ku nool saddexda xero qaxooti ee […]

- Advertisement -

Ururka dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegtay Khamiistii in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya inay halis ugu jiraan inay ka dilaacaan xanuunka Jadeecada iyo daacuunka, xilli kumanaan qaxooti cusub ahi ay soo gaadhayaan xeryahaas, kuwaas oo ka imanaya Soomaaliya.

In ka badan 233,000 oo qaxooti ah ayaa ku nool saddexda xero qaxooti ee aadka cidhiidhiga u ah.

- Advertisement -

Kooxda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo yaqaano MSF, ayaa sheegay in tan iyo bishii January ay aad kor ugu kacday dadka ka soo cararaya abaaraha, gaajada iyo xasaradaha ee soo gaadhaya xeryahan.

Qaar badan oo ka mid ah dadka cusub ayaa ka yimid koonfurta Soomaaliya, halkaas oo jadeecada iyo shuban uu dhowaan ka dillaacay, sida ay sheegeen masuuliyiinta hay’adda MSF.

Ku xigeenka madaxa barnaamijyada MSF u jooga dalka Kenya Andrian Guadarrama, ayaa khamiistii ka sheegay Geneva, in qaar badan oo ka mida qaxootiga cusub ee soo gaadhay xeryaha Dhadhaab, inay qaabileen dadkii hore ugu sii noolaa xeryahan, hase ahaate wuxuu sheegay inay jiraan kumanaan kale oo ku nool hareeraha xeryaha, isla markaana xaaladoodu ay aad u liidato.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in toddobaadkii hore ay MSF diiwaangelisay illaa saddex xaaladood oo jadeeco ah iyo laba qof oo looga shakisan yahay xanuunka daacuunka oo laga helay xerada qaxootiga ee Dhagaxley.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa todobaadkii hore soo saartay digniin ku saabsan xanuunka daacuunka ka dib markii la xaqiijiyay 61 xaaladood oo illaa lix gobol ah.

Latest stories