HomeWararRW Xamse Barre oo kulan sagootin ah u sameyay Safiirka Dowladda Qadar...

RW Xamse Barre oo kulan sagootin ah u sameyay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay casho sharaf sagootin ah hoygiisa ugu sameeyay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Hashim. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay casho sharaf sagootin ah hoygiisa ugu sameeyay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Hashim.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoogeyso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya.

- Advertisement -

Safiirka oo dhowaan uu beddeli doono Safiirka cusub ee Qadar ay u soo magacawday Soomaaliya, ayaa waxa Ra’iisul Wasaare Xamse uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Latest stories