HomeWararMadaxweyne Deni oo Magacaabay Garsoorka Maxkamadda Sare ee Puntland

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Garsoorka Maxkamadda Sare ee Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland: Markuu  arkey: Qodobka  80-aad   farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare. Markuu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland:

- Advertisement -

Markuu  arkey: Qodobka  80-aad   farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Puntland, kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey:  Qodobka 91-aad ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

- Advertisement -

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Waxuu xeeriyey

Qodobka  1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.

1- Xassan Yuusuf Nuur                                Guddoomiye

2- Axmed Sheikh Cumar Xassan               Guddoomiye Ku-xigeen.

3- Saciid Axmed Faarax                                Garsoore.

4- Maxamuud Cawad Cumar                      Garsoore.

5- Saciid Maxamuud Maxamed               Garsoore.

6- Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi           Garsoore Kayd ah  .

7-  Aadan  Axmed Moxamed                         Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Latest stories