HomeWararMadaxweynaha Dowlad deegaanka oo si kulul kaga hadlay dilkii Xildhibaanad Juweria Subcis

Madaxweynaha Dowlad deegaanka oo si kulul kaga hadlay dilkii Xildhibaanad Juweria Subcis

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Juweria Subcis oo ka tirsanayd Golaha Baarlamaanka Deegaanka isla markaana aheyd xubin kamid ah Golaha Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo.

Waxaa uu sidookale sheegay in xannuunka la qeybsanayo dadkii dhaawacmay.

- Advertisement -

“Waxaa la aasaasay guddi heer deegaan ah oo qabanqaabinaya aaska marxuumadda. Waxaa kale oo si buuxda gacanta loogu hayaa in dadkii dhaawacmay ay helaan gargaar caafimaad heer walba oo ay u baahdaan”, ayuu qoraal ku yiri madaxweynaha.

Waxaa uu sidookale shegay in askarigii dilka geystay uu mudan doono ciqaab.

“Ciidamada amaanka ee Deeganka ayaa gacanta ku haya Gacan-ku-dhiiglihii dilka gaystay, waxaana la marin doonaa ciqaabta uu mutaystay. Hay’adaha amniga ayaa wada baadhitaan ku saabsan sida iyo sababta wax u dhaceen taas oo shacabka lala wadaagi doono. Waxaa kale oo muhiim ah in laga arinsado sidii looga hor tagi lahaa in falal noocan ah ay dib u dhacaan inkasta oo wax kasta aan la baajin karin”, ayuu intaas raaciyay madaxweynuhu.

Latest stories