HomeWararRW Xamse “Ciidanka Booliska waa inay la yimaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad...

RW Xamse “Ciidanka Booliska waa inay la yimaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah”

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha  kala duwan ee talisyada ciidanka. Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre oo kormeerey Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa kulan lagu xoojinayo ammaanka dalka la yeeshay saraakiisha iyo qeybaha  kala duwan ee talisyada ciidanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay ahmiyadda ciidanka boolisku u leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay in la xoojiyo ammaanka, xiligan ay socdaan dalka howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

- Advertisement -

” Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa astaan muhiim u ah dowladnimada, hormurmaka iyo fulinta sharciga, waa inaad la timaadaan howlkarnimo iyo feejiganaan dheeraad ah, si bulshadeennu uga badbaado cabsi gelinta iyo ficillada gurracan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaare oo tilmaamay doorka ciidanka Booliska Soomaaliyeed kaga aaddan deegaannada laga xorreeyey Al-shabaab, ayaa ku booriyey in kaalintooda sugidda nabadgelyada bulshada ay qaataan, shacabkana laga difaaco, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Xamse Cabdi Barre ayaa  kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee (Comando Polizia), isagoo warbxinno kaga dhageystay hoggaanada ciidanka. Sidoo kalena booqday xarunta ciidanka ilaalada xeebaha oo lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan.

Latest stories