HomeWararCiidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaan Muhiim ah oo ka tirsan...

Ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay degaan Muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Galgaduud

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Wararka ka imaanaya degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa tilmaamaya in degaankaasi ay goordhaweyd gacanta ku dhigeen Ciidanka Xoogga dalka. Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada deegaanka, Daraawiishta Galmudug, Nabad sugidda iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya ay ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka, kadib markii dagaalamayaasha AL-Shabaab oo degaankaasi […]

- Advertisement -

Wararka ka imaanaya degaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa tilmaamaya in degaankaasi ay goordhaweyd gacanta ku dhigeen Ciidanka Xoogga dalka.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada deegaanka, Daraawiishta Galmudug, Nabad sugidda iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya ay ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka, kadib markii dagaalamayaasha AL-Shabaab oo degaankaasi fariisimo ku lahaa ay isaga baxeen.

- Advertisement -

Dagaalamaayaasha AL-Shabaab ayaa la sheegay ka hor inta aysan isaga bixin degaanka in ay dab qabadsiiyeen shirkaddii isgaarsiinta ee dagaankaasi, waxaana sidoo kale ay qarxiyeen sida la sheegay Ceel biyoodkii degaanka.

Degaanka Qaayib ayaa u dhexeeya Baxdo iyo Xiindheere, waxaaana uu ka mid ahaa degaanada ay AL-Shabaab ku xoogganaayeen.

Xaaladda degaanka ayaa hadda degan,waxaana waxaana si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada deegaanka, Daraawiishta Galmudug, Nabad sugidda iyo kuwa xoogga dalka.

- Advertisement -

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxaa ay intaas ku darayaan laga cabsi qabo in AL-Shabaab ay weerar soo qaadaan, maaddaama sida la sheegay aysan wali ka fogaan degaanka, waxaana jirta cabsi ay soo sheegayaan dadka degaanka oo ku aaddan in lagu dul-dagaalamo.

 

Latest stories