HomeWararDagaal beeleed toddobaadkan ka dhacay Sudan oo ay ku dhinteen 150 qof

Dagaal beeleed toddobaadkan ka dhacay Sudan oo ay ku dhinteen 150 qof

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Goobjoogayaal ku sugan gobolka Blue Nile ee dalka Sudan ayaa sheegay in in ka badan 150 qof in lagu dilay toddobaadkan dagaallo beeleed oo ka dhashay muran la xidhiidha dhinaca dhulka.

Guddoomiyaha gobolka Blue Nile Axmed al-Omda Badi ayaa ku dhawaaqay in deegaanka Wed al-Mahi lagu soo rogay Bandow habeenkii ah, ka dib markii ay soo cusboonaadeen dagaal beeleedka u dhexeeya qabiilada Hausa iyo Berti.

- Advertisement -

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi, iska horimaadadan oo toddobaadkan inna dhaafay ayay ku dhinteen in ka badan 150 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, iyada oo ay ku barakaceen kumanaan qof oo kale.

Abdulatti Ahmed oo ka mida dadka ku nool magaalada al-Damazine oo la hadlay VOA Jimcihii ayaa sheegay in dagaalku uu xilligaas socday maalintii saddexaad, isagoo ka warbixiyey inay jiraan qoysas badan oo ku barakacay oo isugu jira haween iyo caruur.

Abdulatti ayaa sheegay, in wararka ka imanaya deegaanka Wed Al Maaxi inay tilmaamayaan in guryo la gubay, hantidana la kala dhacayo, wuxuuna xaaladda ku tilmaamay inay tahay mid aad looga naxo.

Latest stories