HomeWararWararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay daadad xooggan oo ku rogmaday Magaalada...

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay daadad xooggan oo ku rogmaday Magaalada Qardho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa xalay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland kusoo rogmaday daadad xooggan oo geystay khasaaro isugu jiray mid nafeed iyo mid hantiyadeed intaba, sida ay kusoo warramayaan dadka deegaanka magaalada. Daadadka kusoo rogmaday Qardho ayaa yimid, kadib markii illaa saddex tog oo magaalada ku soo dhaca ay biyo farabadan meelo fog ka […]

- Advertisement -

Waxaa xalay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland kusoo rogmaday daadad xooggan oo geystay khasaaro isugu jiray mid nafeed iyo mid hantiyadeed intaba, sida ay kusoo warramayaan dadka deegaanka magaalada.

Daadadka kusoo rogmaday Qardho ayaa yimid, kadib markii illaa saddex tog oo magaalada ku soo dhaca ay biyo farabadan meelo fog ka keeneen, isla markaana kusoo rogmadeen inta badan xaafaddaha magaalada oo weli dhex ceegaagan biyaha.

- Advertisement -

Boqolaal  dad ah oo kamid ah kuwa degan xaafaddaha Qardho ayaa la arkayey, iyaga oo ku go’doomay guryaha ay magaalada ka degan yihiin, kuwaasi oo loo sameeyay gurmadyo lagu soo badbaadinayo, sida  lagu arkayey muuqaalo lagu baahiyey baraha Bulshada.

Inta la xaqiijiyey laba qof oo da’ ah ayaa ku geeriyooday daadadkii xoogganaa ee xalay kusoo rogmaday Qardho, waxaana sidoo kalena burbur xooggan gaaray guryo badan oo ay shacab daganaayeen, iyadoo dadku xalay banaanada waaga ugu baryay.

Bishii April 2020, daadad xooggan oo ku soo rogmay magaalada Qardho ee  Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa geystay khasaare weyn, waxaana shacabka Soomaaliyeed gurmad dhan walba ah u fidiyeen shacabka Qardho.

Latest stories