HomeWararGuddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku baaqay in loo midoobo Dagaalka ka socda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku baaqay in loo midoobo Dagaalka ka socda dalka

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo maanta dagaal deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale Guddoomie Sheekh Yuusuf Xuseen ayaa u kuur-galay xaaladda Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay Gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer, dadkaas oo waxyeelo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo maanta dagaal deegaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Guddoomie Sheekh Yuusuf Xuseen ayaa u kuur-galay xaaladda Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay Gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer, dadkaas oo waxyeelo kala duwan kasoo gaartay qaraxyo ka kala kacay Buulo-burte iyo Maxaas.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa Alle ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgalada dalka ka socda in uu caafimaad deg deg ah Alle siiyo, isagoo xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka ee dagaalka ku jira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dalbaday in Ciidanka xoogga dalka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye Mudaale oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka Cali Guduud.

Latest stories