HomeWararRa’iisul Wasaare Xamse Barre oo soo saaray farriin ku socota shacabka iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo soo saaray farriin ku socota shacabka iyo Madaxda

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhintya dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato dagaalka  dib-u-xoreynta. “Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhintya dagaalka dib-u-xoreynta, gaar ahaan nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo nabadoon Hibaad Cali Dasar, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah looga qeyb qaato dagaalka  dib-u-xoreynta.

“Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ahAl-shabaab, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalja iyo dad”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

- Advertisement -

Munaasabadda xuska oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay muhiimadda uu xuskani u leeyahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

“Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Hibaad Cali Dasar oo shihiiday iyaga oo kor yeelaaya sharafta ummada iyo qiimaha diinteenna suuban. Shihiid walba oo inooga shihiida dagaalka aynu kula jirno AS, Xaq-udirir walba oo ku dhaawacma, ku xoola waaya iyo ruux walba oo u dhibtooda muddada kooban ee aynu dagaalka kula jiri doono kooxda ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in qorshaha 1aad ee xukuumadda Dan-qaran uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaas oo hadii lagu guuleysto horseedaya in dhamaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka sheegay in dalka uu ku jiro dagaal dhab, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Latest stories