HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku fulisay Ninkii dilay Wasiir Cabaas...

Maxkamadda Ciidamada oo Dil toogasho ah ku fulisay Ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka oo sabti ah waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji ee ka tirsanaa Xukumadda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Maxkamadda Ciidamada ayaa hore xukun dil ah […]

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka oo sabti ah waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji ee ka tirsanaa Xukumadda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maxkamadda Ciidamada ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Xukumadda Xasan Cali Kheyre, waxaana muddo 6 sanno ah uu ku xirnaa xabsi ay leedahay dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.

Maxamuud Siraaji oo ah marxuumka walaalki ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Cabdi. “Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Latest stories