HomeWararGo'aamo laga soo saaray Shirweyne ay ka qeyb gashay Dowladda Soomaaliya

Go’aamo laga soo saaray Shirweyne ay ka qeyb gashay Dowladda Soomaaliya

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah. Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo dawladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab. […]

- Advertisement -

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta uga socday Magaalada Ifran ee Boqortooyada Marooko ayaa laga soo saaray qaraaro muhiim ah.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay kuwa kusoo aaday xilligii loo baahnaa oo dawladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab.

- Advertisement -

Xasan Macallin Maxamuud Wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka dalka oo warbaahinta dowladda kula hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay Shirkaas iyo muhiimada uu ulahaa Soomaaliya oo ka qeyb gashay.

Wasiirka ayaa sheegay in Shirka mudada uu socday lagu soo bandhigay barnaamijyo badan oo muhiim ah isla markaana ay wasaaradu muhiimada ka abaari doonto isagoo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya lagu amaanay dadaalkeeda ka go’aanshaha hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka.

Dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawina doona talaabooyinka looga hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha.

Latest stories