HomeWararDiyaarad gaar ah oo Maanta Muqdisho ka qaaday Dad ku dhaawacmay Qarax...

Diyaarad gaar ah oo Maanta Muqdisho ka qaaday Dad ku dhaawacmay Qarax iyo Hoobiyeyaal

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan […]

- Advertisement -

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta laga dhoofiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Hotel Xayaat iyo Hoobiyaal lagu soo tuurey Muqdisho oo Dalka gudihiisa wax loogu qaban waayey.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji aadan iyo xubno ka socdey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka.

- Advertisement -

Dhaawacyada oo tiradoodu gaareysey 7 qof ayaa loo qaadey Dalka aan walaalaha nahay ee Sacuudiga halkaas oo lagula tacaali doono xaaladdooda Caafimaad, maadaama Kiisaskan ay ahaayeen kuwo aad u adag una baahnaa in ay hellaan Caafimaad dibadda ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa qaadatey Doorka gurmadkan, waxaana goob joog ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dowladda Sucuudiga, howlwadeeno ka socdey Safaaradda iyo xubno ka yimid Sucuudiga oo sii qaadayey dhaawacyada.

Dhaawacyada ayaa ahaa kuwo ku wada dhaawacmey Magaalada Muqdisho, waxaana jira dhaawacyo kale oo laga keeney Magaalada Baladweyne oo qoor kamid ah ay xaaladdahoodu adag tahay waxaana Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay wadaa dadaalo lagu qaadayo dhaawacyada harsan sida u dhow.

- Advertisement -

Wasiirka Wasaardda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahad celiyey gurmadka Dowladda Sacuudiga ay u fidisey iyo dowrka ay markasto ka qaadato u gurmashada Shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories