HomeWararTasliska Booliska oo ka hadlay Shacab Muqdisho ku qabtay Rag dil u geystay...

Tasliska Booliska oo ka hadlay Shacab Muqdisho ku qabtay Rag dil u geystay Askari

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey laba Nin oo watay bastoolado oo xaafad ka tirsan Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ee halkaas ku sugnaa. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in dad […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey laba Nin oo watay bastoolado oo xaafad ka tirsan Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Booliska ee halkaas ku sugnaa.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in dad shacab ah ay gacanta ku dhigeen labada ruux ee dishay Askariga, xilli ay doonayeen inay goobta uu falka ka dhacay si deg deg ah uga baxsadaan.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in falkaan lagu khaarijiyey Askariga Booliska ka tirsanaa uu ka dhacay agagaarka kaawada Kabasiini ee Waaxda Nagayle ee degmada Kaaraan, isla markaana halkaas lagu qabtay labada nin ee dilka geysatay.

Sidoo kale Afhayeenka booliska ayaa tilmaamay in labada nin markii la qabtay ay wateen hubkii ay ku dileen askariga “Labada Nin ayaa waxaa la wareegay ciidanka ammaanka, ayaga iyo hubkii ay wateen, waxaana la horgay doonaa Maxkamada xukunkooda awooda u leh, Ilaahay idiinkii,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa xiliiyada qaarkood ka dhaca falal amni darro oo geystaan rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi inta badan ka baxsada goobta ay falalka ama weerarada ka geystaan ee Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts