HomeWararGuudlaawe oo ka hadlay Qaraxyadii dadka ku dhinteen ee ka dhacay Buulo-burde...

Guudlaawe oo ka hadlay Qaraxyadii dadka ku dhinteen ee ka dhacay Buulo-burde & Jalalaqsi

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii Al-shabaab ka geysteen degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii Al-shabaab ka geysteen degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan Maxamed Ciise oo ka mid haa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka kacay xarunta degmada Jalalaqsi.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay buundada degmada Buulo Burde oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah, isagoo tilmaamay in Al-shabaab ay damacsanaayeen inay kala jaraan isu socodka dadka ku nool degmada Buulo Burde.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Mas’uuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxyadaasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

Qaraxyo Is-miidaamin ah ayaa maanta ka kala kacay degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, Al-shabaabna ayaa mas’uuliyada qaraxyadaasi sheegatay .

Latest stories