HomeWararDuqii Degmada Jalalaqsi oo kamid ah dadkii ku dhintay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa

Duqii Degmada Jalalaqsi oo kamid ah dadkii ku dhintay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Is-miidaamin ah oo galabdhicii galabta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan afaafka hore ee Xarunta degmada oo ku qarxay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxii ka dhacay degmada Jalalaqsi, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ay isugu […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Is-miidaamin ah oo galabdhicii galabta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, gaar ahaan afaafka hore ee Xarunta degmada oo ku qarxay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxii ka dhacay degmada Jalalaqsi, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay ay isugu jiraan mas’uuliyiin  iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qarxu ka dhacay oo burbur xooggan uu ka muuqdo.

- Advertisement -

In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Jalalaqsi Maxamed Cumar Nuur Cagajoof Dabaashe iyo duqii magaaladaas Aadan Maxamed Ciise ayaa ku dhintay qaraxii Jalalaqsi, sida uu BBC-da u sheegay Taliyaha Booliska Jalalaqsi Maxamuud Shire Xuseen.

Sidoo kale dhowr ayaa ku dhaawacmay qaraxii dhacay, Taliyuhu waxaa uu sheegay in gaariga qaraxa waday uu doonayay inuu isku qarxiyo buundada kor marta webiga Shabeelle, balse ay ciidanku rasaaseeyeen sidaasna uu ku qarxay gaariga qaraxa siday.

Qaraxa ka dhacay Jalalaqsi ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyadoo isla galabta qarax Is-miidaamin ah Al-shabaab ay ku burburisay Buundada magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan oo muhiim u aheyd wadada isku xirta Gobolada Dhexe illaa Muqdisho.

Latest stories