HomeWararRooble oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb lana kulmay Madaxweyne Axmed Qoorqoor

Rooble oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb lana kulmay Madaxweyne Axmed Qoorqoor

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul  Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble. Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen […]

- Advertisement -

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa Aqalka Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul  Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdigaan ballaaran ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, iyadoona wafdigan ay kamid yihiin madaxwaynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiiro kamid ah XFS, Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee BFS, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

- Advertisement -

Wafdigaan ayaa soo gaaray magaalada Dhusamareeb kadib martiqaad ay ka heleen Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, iyadoona ujeedada safarka uu salka ku hayo dhiirogelinta iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale inta uu ku sugan yahay Ra’iisul  Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble Galmudug ayaa waxaa la filayaa inuu booqasho ku tego deegaanno kamid ah Maamulkaas.

Latest stories