HomeWararRag hubeysan oo fal dhaawac ah ka geystay xaafad ka tirsan Magaalada...

Rag hubeysan oo fal dhaawac ah ka geystay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Laba nin oo ku hubeysnaa qoryo AK-47 ayaa xalay abaaro 10:30 PM waxa ay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dhaawaceen haweeney 50-sanno jir ah oo kamid ah dadka deegaankaas. Dad ayaa waxaa ay sheegeen in falkaan uu ka dambeeyay kadib markii, ragga hubeysan ay haweeneyda oo ka timid isbitaal jidka u […]

- Advertisement -

Laba nin oo ku hubeysnaa qoryo AK-47 ayaa xalay abaaro 10:30 PM waxa ay xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dhaawaceen haweeney 50-sanno jir ah oo kamid ah dadka deegaankaas.

Dad ayaa waxaa ay sheegeen in falkaan uu ka dambeeyay kadib markii, ragga hubeysan ay haweeneyda oo ka timid isbitaal jidka u galay, iyada oo lugeeneysa, isla markaana ka waayay moobeel weyn, iyagoona markaa kaddib damcay in ay kufsadaan.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in muran kooban oo dhexmaray ragga burcada ahaa iyo haweeneyda uu keenay in haweeneyda rasaas lagu furo, kadibna waxaa goobta ka baxsaday raggaas, dad goobta ka adhawaa ayaa Isbitaal u qaaday haweeneyda.

Muddooyinkii dambe xaafadda Raadeelka iyo xaafadaha ku dhegan ayaa axaa kusoo badanayay dhaca iyo dhibaatooyinka kale kooxaha ku hubeysan qoryaha iyo tooreeyada u geesanayaan dadka shacabka ah.

Dadka deegaanka xaafadda Raadeelka ee degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay ciidanka ammaanka iyo maamulka degmada in ay wax ka qabtaan burcadan dadka dhibaatada ku haya .

Latest stories