HomeWararFaah faahin: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dilal loogu geystay Koonfur Afrika

Faah faahin: Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dilal loogu geystay Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalka Koonfur Afrika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaas ku leh goobaha Ganacsi ee ka shaqeysata, sida ay soo warrinayaan dad Soomaali ah. Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa deegaanka Zwide township ee duleeedka Magalada Gqeberh Port Elizabeth ku dilay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray […]

- Advertisement -

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalka Koonfur Afrika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada dalkaas ku leh goobaha Ganacsi ee ka shaqeysata, sida ay soo warrinayaan dad Soomaali ah.

Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa deegaanka Zwide township ee duleeedka Magalada Gqeberh Port Elizabeth ku dilay Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Najiib, kaasi oo gaari ku wareejin jiray Rooti, waxaana xiligii la dilayey uu watay gaarigiisa.

- Advertisement -

Sidoo kale habeen hore Muwaadin Soomaaliyeed kale ayaa lagu dilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaalla xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehaladiisa.

Muwaadin kale oo isna lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan Ever ayaa waxaa 13-kii bishaan Octoober lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng.

Dhacdooyinka la xiriira dilalka soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacaya dalka Koonfur Afrika, xili inta badan ay dilalka ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada, mana jirto cid iska xil saartay wax ka qabashada dilalkaas loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Latest stories