HomeWararCiidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidanka Dowladda oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arroornimadii hore ee saaka la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan kuwo ku yaalla aaga degmada Balcad ee Gobolkaas, sida ay sheegayaan wararka. Ciidamada ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanada kala ah  Yaaqle, Mukadheere, dhagaxoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, oo hoostaga degmada Balcad ee […]

- Advertisement -

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arroornimadii hore ee saaka la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan kuwo ku yaalla aaga degmada Balcad ee Gobolkaas, sida ay sheegayaan wararka.

Ciidamada ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanada kala ah  Yaaqle, Mukadheere, dhagaxoow, Kooraabe, Shanloow iyo Farbaraki, oo hoostaga degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha Dhexe.

- Advertisement -

Howlgalka lagula wareegay deegaanada ayaa hoggaaminaayay Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaran iyo Saraakiil ka tirsan Milateriga qeybta 27-aad gaar ahaan guutada 4-aad..

Ciidamada ayaa maalin kahor qabsaday deegaanka Xawaadley oo ahaa deegaan Istiraatiiji ah oo marin u ahaa Shabaabka isaga kala goosha gobolada, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Cadale ayaa waxaa kusii qul-qulayey Ciidamo kamid ah Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo abaabul ka dhan ah Al-shabaab ka wada degmadaas.

Latest stories