HomeWararNin kamid ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada BFS oo lagu dilay Muqdisho

Nin kamid ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada BFS oo lagu dilay Muqdisho

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ku dilay mid kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka FS. Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Ninka, xilli uu joogay qeyb […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo dhowr iyo toban daqiiqo kahor gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ku dilay mid kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka FS.

Dad ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Ninka, xilli uu joogay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda, isla markaana waxaa uu Ninkaas u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

- Advertisement -

Ninka kamid ka ahaa ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Caraaye Maalin, waxaana la sheegay in xilligii la dilayey uu watay qori, waxaana durbadii goobta ka cararay kooxihii ka danbeeyay falkaas.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in marxuum Cabdi Caraaye Maalin uu kamid ahaa ergadii Galmudug kusoo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka ammaanka ayaa  goobta ka qaaday Meydka.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa horey dilal qorsheysan loogu geystay ergooyin soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka, Nabaddoono iyo mas’uuliyiin u shaqeyn jiray dowladda, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada dilalkaas.

Latest stories