HomeWararMuxuu yahay ujeedka safarka aan shaacin ee MW Xasan Sheekh ku joogo...

Muxuu yahay ujeedka safarka aan shaacin ee MW Xasan Sheekh ku joogo Imaaraadka?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar aan la shaacin maalintii saddexaad ku joogo magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha ayaa maalintii arbacada aheyd ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay in safarka uu ka reebay oo aysan qeyb ka aheyn […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh uu safar aan la shaacin maalintii saddexaad ku joogo magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa maalintii arbacada aheyd ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay in safarka uu ka reebay oo aysan qeyb ka aheyn dhammaan shaqaalihii Habmaamuuska iyo kuwii xoghaymaha u ahaa Madaxweynaha.

- Advertisement -

Safarka Xasan Sheekh ee Imaaraadka ayaa wafdiga horey u raacay Madaxweynaha la koobay, iyadoona la xaqiijiyey in socdaalka aysan sidoo kale qeyb ka aheyn Mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha dibadda iyo kuwa Madaxtootada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Madaxda ugu sarreeysa Imaaraadka, isla markaana waxaa uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sidii taageero dhinacyo kala duwan leh loo siin lahaa dowladiisa, sida arrimaha dhaqaalaha iyo milatariga.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in qorsheyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u tegay magaalada Abu Dhabi ay qeyb ka tahay arrimo dhanka Caafimaadka, waxaana la sheegayaa inuu mari doono baaritaano Caafimaad.

- Advertisement -

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan shaacin xogta safarka madaxweynaha iyo sawirrada tagistiisa dalkaasi, Waa safarkii labaad uu Madaxweyaha ku tago dalka Imaaraatka Carabta mudada lixda bil ee uu xafiiska joogo, wuxuuna safarkiisii koowaad ee uu dalka uga boxo dib u doorashadiisii kadib ay eheyd dalkaasi Imaaraatka.

Latest stories